Waxaa jira fursado shaqo iyo ganacsi oo online ah oo kala duwan oo ka jira wadankeena Somalia, madama dadkena dhalin yarta ahi intoda badani anay fahansaneyn oo wax fikrada kahaysan fursadahan ayna ku wareersan yihin qaabkay shaqo ku heli lahayeen waxaan halkan idin kula wadaagaya dhowr tallaabo oo kaa caawin kara inaad hesho shaqo kugu ha boon.
Fursadaha Shaqo ee Online ka
1. Online Platforms: waxaad ka raadsata shaqo bogaga, shabakadaha iyo websites caalamiga ah ee shaqooyinka bixiya sida Linkedin, Qaran Jobs, Glassdoor, Somali Jobs, iyo Indeed. waliba si khaasaa u la soco mar waliba websites ka somalida sida QaranJobs & Somali Jobs
2. Freelancing: Waxaad ku shaqayn kartaa xirfadaha aad taqanid sida qorista, turjumaadda, naqshadaynta, iyo horumarinta software ka. Adigo ka raad sanaya shaqada Websites ka sida Upwork, Fivver, iyo Freelaner Websites kan aad bay kugu sahlayaan inaad hesho shaqooyin.
3. Remote Jobs: Waa Shaqooyin si toos ah shirkadaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah ugu qabato internet ka adigoon goobta shaqada joogin. Tusaale waxaa kamid ah shaqooyinka taageerada macamiisha, maamulka xisaabaaadka, suuq gaynta online ka iyo khibrado kalo badan.
4. Dhisida Blog ama YouTube Channel: abuur nuxur blog ama muqaallo YouTube ka oo kusaabsan maadooyinka aad xiiseyso, taasoo ku siin karta fursad dhaqaale marka aad samayso akhristeyaal ama dawadayaal badan.
Fursadaha Ganacsi ee online ka
1. E-commerce & Drop shipping: Waa ganacsi online ah oo ku saabsan iibinta alaabada iyo adeegyada adoo adeegsanaya internet ka. adigoo aan u bahnayn dukaamo aa furato toos u tagto
dooro alaabta ama adeegga go'aanso adega aad rabto inaad ibiso adoo dhinac walba ka eegaya
abuuro dukaankaag online isticmaal madal e-commerce sida Shopify, Amazon iyo Woocommerce
soo bandhig alaabta adoo ku daraya sawiro tayoleh iyo sharaxaad fahfaahsan
soo xayaysi oo samay suuqgayn gigital ka ah sida SEO, suuqgeynta email-ka iyo xayaysiin baraha bulshada si ay u gaadho macmiishaada bar tilmaameedka ah.
2. Dhisidda Blog ama YouTube Channe: ku abuur nuxur blog ama muuqaallo YouTube ka oo ku saabsan waxyalaha aa xisayso khibrada u leedahay waxaad ka heli karta fursad dhaqaale marka aad hesho akhristeyaal ama daawadeyaal badan.
3. Affiliate marketing: Waa hab ganacsi oo aad lacag ku kasban karto adigoo xayeysiinaya alaabo ama adeegyo shirkado kale leeyihiin. Marka qof aad xayeysiiskaaga u dirtay uu wax iibsado, waxaad helaysaa komishan.
4. Online Teaching: Waa hab aad ku soo gudbinayso aqoonta aad ledahay online tasoo ay ka fa idaysananayaad dadka u bahan waxaadna isticmali kartaa hababka kaladuwan sida:
- Video Calls: Waxaad ardayda ku bari kartaa adigoo isticmaalaya wacitaanno muuqaalo ah oo hal-hal ah ama koox- koox.
- Webinars: Waxaad qaban kartaa webinars oo aad ku baran karto arday badan hal mar.
- Recorded Lessons: Waxaad duubi kartaa casharro oo aad u soo gelin kartaa ardayda si ay u daawadaan wakhti kasta. iyo siyaabo kaloo badan
0 Comments