LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Suaalo iyo jawaabo dini ah





1. Su'aal: Sheeg Suurad uu Nabigu (CSW) dumarka ku booriyay inay akhriyaan?
Jawaab: Waa suuratul nuur

2. Su'aal: Waxaad sheegtaa Nabi laga xarimay dumarka adduunka oo dhan?
Jawaab: Waa Nabi Yaxye (CS)

3. Su'aal: Waxaad sheegtaa Luuqada uu ku hadli doonno (ILAHAY) maalinta qiyaame?
Jawaab: Waa luqada carabiga

4. Su'aal: Waxaad sheegtaa  Nabi uu ILAHAY si toos ah ula hadlay?
Jawaab: Nabi Muuse (CS)

5. Su'aal: Waxaad sheegtaa Imisay ahayeen dumarkii Nabiga (CSW)?
Jawaab: Waa 11

6. Su'aal: Waxaad sheegtaa Goorma ayey dhici doonta saacada qiyaamw?
Jawaab: ALAAH baa og

7. Su'aal: Waxaad  sheegtaa  Nabi hadlay isagoo yar? 
Jawaab: Nabi Ciise (CS)

8. Su'aal: Waxaad sheegtaa Nabigi qoraxda joojiyay?
Jawaab: Nabi yuushac (CS)

9. Su'aal: Waxaad sheegtaa daacigi ugu horeyay islaam ka?
Jawaab: Muscab binu cumeer?

10. Su'aal: Waxaad sheegtaa masjidkii labaad ee uu nabiga ku tukaday salaada jimcaha?
Jawaab: Masjidu jawaas

11. Su'aal: Waxaad sheegtaa Malaa'ikta waxaa laga abuuray?
Jawaab: Nuur

12. Su'aal: Waxaad sheegtaa saxaabigi oogu geeri danbeeyay asxaabta?
Jawaab: Anas binu maalik

13. Su'aal: Waxaad sheegtaa xayawaan u dacwooday Nabi maxamed (CSW)?
Jawaab: Geela

Post a Comment

0 Comments